Reject the Color of Colonialism

Lyrics: Somali Communist Music: Somali Communist Ian Smith ma muuqdeen, Rodesiya ma maageen Haddaan midig la siinin. Bortaqiis ma madhiyeen, Mana uu malaysteen Musanbiig Angola. Ian Smith ma muuqdeen, Rodesiya ma maageen Haddaan midig la siinin. Bortaqiis ma madhiyeen, Mana uu malaysteen Musanbiig Angola. Mindiyihii qarsoonaa Qarsoonaa! Gini lagu miraayay, Miraayay! Mindiyihii qarsoonaa Qarsoonaa! Gini lagu miraayay, Miraayay! South Africa ma Moogin. Ma moogin! South Africa ma Moogin. Ma moogin! Hadal iyo mirtina, Afrikaay is maqal- Midab gumaysi diida! Diida! Diida! Diida! Dadka oo midooboo, Kulligii masoobiyo Nabad lagama maarmo. Maalintay xumaatee, Ragga aydun murantaan, Waranku waa macaan yahay. Dadka oo midooboo, Kulligii masoobiyo Nabad lagama maarmo. Maalintay xumaatee, Ragga aydun murantaan, Waranku waa macaan yahay. Madowgaaga kaan rabin, Kaan rabin! Muuqaaga kii neceb, Kii neceb! Madowgaaga kaan rabin, Kaan rabin! Muuqaaga kii neceb, Kii neceb! Tiisana ha meelmarin. Ha meelmarin! Tiisana ha meelmarin. Ha meelmarin! Hadal iyo murtina, Afrikaay is maqal- Midab gumaysi diida! Diida! Diida! Diida! Haddii aan maskaxi talin, Dhegtu maqal xumaha jira, Indhuhu maalin aragti, Luguu hawsha maamulin, Gacmuhuna wax kuu qaban, Cadow kaa ma maagto. Haddii aan maskaxi talin, Dhegtu maqal xumaha jira, Indhuhu maalin aragti, Luguu hawsha maamulin, Gacmuhuna wax kuu qaban, Cadow kaa ma maagto. Midabkuba sed weeye, Sed weeye! Magacuba dan weeye, Dan weeye! Midabkuba sed weeye, Sed weeye! Magacuba dan weeye, Dan weeye! Murtidu dhaxalgal weeye. Gal weeye! Murtidu dhaxalgal weeye. Gal weeye! Hadal iyo murtina, Afrikaay is maqal- Midab gumaysi diida! Diida! Diida! Diida! Madaxdii Afrikaay, Mabda'ii gumaysigu Magacood ba' wuxu yahay. Wanka macasha ii qabo, Adigu gawrac ii mari, Dhiiggana aan muudsado. Madaxdii Afrikaay, Mabda'ii gumaysigu Magacood ba' wuxu yahay. Wanka macasha ii qabo, Adigu gawrac ii mari, Dhiiggana aan muudsado. Sirtii aad ku marateen Ku marateen! 'Maya' haddaad tiraahdaan. Tiraahdaan! Sirtii aad ku marateen Ku marateen! 'Maya' haddaad tiraahdaan. Tiraahdaan! Ma afkaa maroorsami. Maroorsami! Ma afkaa maroorsami. Maroorsami! Hadal iyo murtina, Afrikaay is maqal- Midab gumaysi diida! Diida! Diida! Diida! Hadal iyo murtina, Afrikaay is maqal- Midab gumaysi diida! Diida! Diida! Diida!